339 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Villa Somalia ku soo dhoweeyey Xulka 17 jirrada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Villa Somalia ku soo dhoweeyey Xulka 17 jirrada
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad C/llahi Sheekh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post