771 Views

shirka arrimaha doorashooyinka ee federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muqdisho ka furmaya saakay.

shirka arrimaha doorashooyinka ee federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muqdisho ka furmaya saakay.
____________________________________________________________________________

.

May 22 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho ka jira saakay xaalado iyo shaqooyin kala duwan oo ay wadaan dhinacyada maamul  Goboleedyada iyo Xafiiska Raisal wasaraha oo marti galiyay  shirka lagu wado in uu manta ka furmo muqdisho.

Waxaa saakay lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka yo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu  dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu dhigay gogosha, duqa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale shanta madaxweyne goboleed ee dalka oo inta badan ku sugan gudaha caasimada.

Sidoo kale Waxaa shirkan oo kusoo aadayo xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada haya natiijada shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa Muqdisho ka maqan oo lagu wadaa in uu soo gaaro saakay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo u muqan sidii loo xalin lahaa Colaad ka taagan magaalada Jowhar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post