768 Views

Muxuu Xisbiga Jmahuurigu ka yiri khudbadii Trump?

____________________________________________________________________________

Donald Trump ayaa sheegtay guul aan lagu raacsaneyn, kaadib khudbad uu goor dhow ka jeediyay Aqalka Cad – iyadoo weli ay harsan yihiin malaayiin codad ah oo aan la tirin.

Xubno sare oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan iyo dadka wax falanqeeya ayaa walaac ka muujiyay hadallada aan la xaqiijin ee Trump.

Barasaabkii hore ee gobolka New Jersey isla markaana la taliye u ahaan jiray Trump, Chris Christie oo la hadlayay telefishinka ABC ayaa khudbadda madaxweynaha ku tilmaamay mid khaldan, istaraatiiji ahaan iyo madaxweyna ahaanba.

“Waa go`aan istaraatiijiyadeed oo xun,” ayuu yiri. “Waa go`aan siyaasadeed oo xun.”

Rick Santorum, oo ah sanatar hore oo gobolka Pennsylvania, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadallada Trump. “Adeegsiga erayga ku shubasho… waxaan u maleynayaa waa khalad,” ayuu u sheegay telefishinka CNN.

Ben Shapiro, oo arrimaha Mareykanka falanqeeya isla markaana cambaareeya Trump, ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray in hadallada Trump ay yihiin kuwo “mas`uuliyad darro qota dheer ah

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post