990 Views

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Dhahar

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Dhahar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan ee Puntland, kulanka waxaa looga hadlay arrimaha dhallinyarada Puntland gaar ahaan Gobolka Haylaan.

 

Dhallinyarada xubno u hadlay ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyey booqashadiisa Dhahar, waxayna la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Dhahar kulan kula qaatay Guddoonka Haweenka Gobolka Haylaan,

 

Haweenka Gobolka Haylaan ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee Gobolka, Doorka ay horumarka ka qaateen iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin in laga caawiyo.

 

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhimka ah ee Haweenka Haylaan ay kaga jiraan illaalinta Nabadda iyo Horumarka Gobolkaas, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay kala shaqeynayaan Haweenka Howlaha addag iyo arrimaha masiiriga ah ee ay Gobolka u hayaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment