753 Views

Golaha Ammaan ee QM oo maanta ka shiraya xaalladda Soomaaliya

Golaha Ammaan ee QM oo maanta ka shiraya xaalladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________



Arbaco: November 17, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay shir ka yeeshaan xaaladda Guud ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa warbixino ku saabsan xaaladda Soomaaliya looga dhageysan doonaa Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM ee Soomaaliya  James Swan iyo madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, Amniga  iyo abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo kamid ah Gobolada Dalka.

Safiirada dalalka Caalamka u jooga Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankooda warbixino ka jeedin doona Shirka, kuwaas oo siweyn kaga hadli doona xaaladda Soomaaliya, sida doorashooyinka, Amniga iyo Abaaraha, iyaga oo qaarkood balan qaadyo sameyn doona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post