816 Views

Wasiirad Khadiija Diiriye oo wajahaysa xaalad una dacwootay ugaaska Mudulood

Wasiirad Khadiija Diiriye oo wajahaysa xaalad una dacwootay ugaaska Mudulood
____________________________________________________________________________

Talaado: November 2, 2021

Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka soo aheyd tan iyo dowladii Carta lagu soo dhisay, ayaa sanadkaan wajaheysa loolan adag, kadib markii sanadkaan ay kursigaas isku soo sharaxday Baarliin Maxamuud Biin oo ah gabar aqoonyahanad ah, kuna heyb ah Khadiija Diiriye.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Khadiija Diiriye ay u dacwootay ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyadoo ka dalbatay inuu hadlo gabadha isku soo diyaarisay inay kursiga kula tartanto iyo dadka ku garab taagan ololaheeda oo reer Abtigeed u badan.

Khadiijo iyo Baarliin waxaa abtiyaal u wada ah Abgaal, waana taas sababta ka keentay in Khadiijo Diiriye ay u dacwooto Ugaaska, iyadoo ka dalbatay inuu kala hadlo Baarliin, sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Khadiija Diiriye ay Baarliin u balan qaaday lacag aan cadadkeeda la shaacin, hadii ay tartanka ka harto.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawirro ay la gashay Ugaaska oo gurigeeda ku soo booqday iyo qoraal kooban oo ay ku tiri, “Koofida ugu weyn dugaashigeyga ayaa hoygeyga galabta igu soo booqday, darajo iima-laabna dad-na iima-dhina, ugaaska reer habartey macaan, rabiyow ii dhowr darajada duubkiisa.”

https://60f2df74cf89c2d74a8e8413c02b843c.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Qalqal xoog leh ayaa soo wajahay Khadiijo Diiriye, kadib markii dhawaan ay musharaxnimadeeda shaacisay Baarliin Biin oo ah gabar taageero badan heysata oo sanadkaan dooneysa inay kursiga kula loolanto Khadiija Diiriye.

Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo ah haweeney ganacsato ah ayaa dhawaan ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo ku soo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin, waxayna farriin u direen ergada wax dooraneysa iyo madaxda HirShabeelle.

Labadaan haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh dalka ayaa Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo doorashada kursiga HOP0097 oo yaalla magaalada Jowhar, kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye.

“Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post