669 Views

Tokyo 2020: Wiil Soomaali ah oo billadii ugu horraysay ee orodka 5,000m u qaaday Canada

Tokyo 2020: Wiil Soomaali ah oo billadii ugu horraysay ee orodka 5,000m u qaaday Canada
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Orodyahan Maxamed Axmed, oo ah ninka haysta rikoorka abid uu dhigo qofka ugu dheereeya ee tartanka 5,000 ee mitir ee Canada iyo Waqooyiga Ameerika ayaa waddanka Canada waxa uu u soo hooyay billad Olympic ah.

Maxamed ayaa tartankii galabta oo Jimco ah ka dhacay Tokyo waxa uu kagalay kaalinta labaad isagoo ku guulaystay billad qalin ah, waxa uuna ku orday 12 daqiiqo iyo 58.61 ilbiriqsi.

Orodyahankan ayaa la arkayay isagoo dabaaldegaya markii uu soo gaaray xariiqa guusha, waxa uuna warbaahinta u sheegay inuu culays ka dhacay.

Waxa uu ka dheereeyay Nicholas Kimeli oo Kenya u dhashay iyo Paul Chelimo oo Mareykanka u tartamayay ka horta inta uusan ku xigsan Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda haystana rikoorka adduunka ee orodkaasi.

Maxamed Axmed ayaa isgoo faraxsan waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in “halkan uu soo gaaro muddo shan sanadood ah kaddib oo uu billad sugayay,” aad baan arrintaasi ugu faraxsanahay ayuu sii raaciyay.

Waa kuma Maxamed Axmed?

Maxamed Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, 10-kiisii sanadood ee ugu horraysay noloshiisa waxa uu ku qaatay waddanka Kenya, ka hor inta aanay qoyskooda u guurin waddanka Canada sanadkii 2001.

Waxa uu digriiga koobaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Wisconsin Madison sanadkii 2014, halkaas oo uu ka bartay cilmiga siyaasadda.

Taariikhdiisa orodka

Maxamed waxa uu bilaabay inuu ordo isagoo 13-sanno jir ah kaddib markii uu arkay walaalihii oo ka qeybgalaya tartamada orodka iskuullada. Waxa uu doonayay in xulka Canada uu ordo tan iyo 2004-tii.

Hasayeeshee 2015-kii ayuu ku guulaystay billada dahabka ee tartankii Pan American Games ee Toronto lagu qabtay, halka isla sanadkaasi uu jabiyay rikoor 17 sanadood Canada u yaallay kaddib markii uu ku guulaystay orodka 5,000 ee mitir isagoo orday 13 daqiiqadood iyo 10 ilbiriqsi.

Maxamed Axmed waxa uu 2012-kii ka qeybgalay tartankiisii ugu horreeyay ee Olympic-ada adduunka ah kaas oo lagu qabtay magaalada London, markaas oo kaalinta 18-aad uu ka galay tartanka 10,000 ee mitir.

Tartankii Rio 2016 ayuu noqday orodyahankii ugu wanaagsanaa ee Canada, markaas oo uu kaalinta afraad ka galay orodka 5,000 ee mitir. Hasayeeshee haatan taariikh ayuu dhigay oo billadii ugu horraysay ee orodkaasi ayuu Canada u soo hooyay.

2018-kii waxa uu ku guulaystay laba biladood oo qalin ah ciyaarihii Commonwealth Games-ka ee lagu qabtay Gold Coast ee waddanka Australia markaas oo uu 5,000 iyo 10,000 ee mitir.

Maxamed Axmed waxa uu taariikh kale sameeyay 2019 tartankii World Athletics Championships ee Doha lagu qabtay ayuu ku guulaysta billad maar ah.

Tartanka Olympic-ada adduunka ee dhawaan lagu soo gebagabaynayo magaalada Tokyo-na taariikh ayuu ku sameeyay kaddib markii uu maanta ku guulaystay billada qalinka ee orodka 5,000 ee mitir, sidaasna uu ku noqday orodyahankii ugu horreeyay ee tartankaasi billad uga soo hooya Canada.

Waxa uu hiigsadaa orodyahannada caanka ah dhowrka jeer ku guulaystay billadda dahabka ee Olympic-ada sida Kenenisa Bekele, Kobe Bryant, Kevin Sullivan, Moxamed Faarax, Hayley Wickenheiser iyo Clara Hughes.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post