3189 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in la furo waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in la furo waddooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 2, 2016:Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa amray in la furo waddooyinka xiran ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin xirnaanshaha waddooyinka muhiimka ah ee lagu gooyay dhagxaanta iyo carro.

“Waa arrin dhib leh in qolo kasta ay magan gasho dhagax shub ah ama carro, dhagax waxba ma celiyo, amni ma sugo, arrintaas waxaa rabaa in laga dhiidhiyo oo wax aan ka qabano”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in magaalada oo dhan ciriiri gashay, kaddib markii ay soo kordheen jidadka lagu xirayo dhagxaanta iyo carada, isla markaana baabuurta qaar ay mari la’yihiin waddooyinka qaar ee xaafadaha.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato ku qaba xirnaanshaha waddooyinka qaar ee dhagxaanta lagu gooyay, waxaana xaafado qaar ay yihiin kuwo go’doonsan.

Yuusuf ayaa horay u amray in la furo jidadka xiran, waxaana maalmahan ku soo badanayay magaalada waddooyin dhowr ah oo ay u xiran yihiin hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Safaaradaha shisheeye ee ku sugan Gobolka

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment