492 Views

Dad ku dhow 10 qof oo ku Geeriyooday duufaan ka dhacday Madagascar.

Dad ku dhow 10 qof oo ku Geeriyooday duufaan ka dhacday Madagascar.
____________________________________________________________________________

Isniin: February 7, 2022

Inta laxaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhintay, halka ku dhawaad ​​48,000 oo kalana ay ku qasabtay in ay guryahooda ka baxaan ka dib markii duufaanta Batsirai ay ku dhufatay Madagascar habeen hore, sida lagu sheegay Qotaal kasoo baxay xafiiska masiibooyinka iyo maareynta khatarta ee Madagascar.

Sidoo kale Wakaalada Dowladda ayaa dhimashada ku sheegtay war qoraal ah oo lasoo saaray galinkii dambe ee Axadii shalay, 10 qof halka idaacada dowlada ay sheegtay in qaarkood ay dhinteen Dadkaasi kadib markii gurigooda uu kusoo dumay magaalada Ambalavao oo qiyaastii 460km (286 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimada Antananarivo.

Dufaantaan ayaa ahayd duufaantii labaad ee ugu weyneyd ee ku dhufata dalka saboolka ah ee jasiiradda badweynta Hindiya muddo laba toddobaad gudahood ah.

Duufaanta ayaa ku soo dhacday magaalada Mananjary, iyadoo wadatay dabeylo saacadiiba ku socotay 165 kilomitir, taasoo xididada u siibisay dhirtii, burburisay dhismayaal, waxayna dadka deegaanka ku qasabtay inay culeyska saaraan saqafyada jiingadaha.

“Mananjary gabi ahaanba waa baaba’aday, meel kasta oo aad tagto wax walba waa  burbureen, mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Faby ayaa  sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post