219 Views

Faransiiska iyo Ingiriiska oo kala saxeexday heshiis ku saabsan ka hortagga qulqulka muhaajiriinta

Faransiiska iyo Ingiriiska oo kala saxeexday heshiis ku saabsan ka hortagga qulqulka muhaajiriinta
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii looga hortaggi lahaa muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga tallaabeysa kanaalka Ingiriiska.

Sida uu heshiiska dhigayo, Britain waxay sanad kasta bixineysaa £8m lacagta giniga ah si ay ugu maalgeliso howlgallada lagu fulinayo xeebaha Faransiiska isla markaana looga hortaggo qulqulka muhaajiriinta ee aggaas.

Sidoo kale booliska UK ayaa ka qeybqaadan doonaa dadaalladan.

Wasiirka arrimaha gudaha UK, Suella Braverman waxay ballan qaaday inay wax ka qaban doonto dhibaatadan.

In ka badan 40,000 qof oo ayaa si sharci darro ah uga tallaaba kanaalka Ingiriiska sanad kasta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post