729 Views

Maryakanka oo ciidamada Sudan ugu baaqay in aanay dadka Afgembiga diidan gacan adag kala hor tegin

Maryakanka oo ciidamada Sudan ugu baaqay in aanay dadka Afgembiga diidan gacan adag kala hor tegin
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

 Ciidamo hubeysan ayaa la soo dhoobay waddooyinka caasimadda Sudan ee Khartoum iyadoo isgaarsiinta telefoonadana la jaray maanta oo la qorsheynayo isu soo baxyo ka xooggan kuwii hore.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray buundooyinka caasimadda ku xiraya magaalooyina kale waxayna bar koontaroollo ka sameeyeen wasooyinka waaweyn.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Mareykanku uu garab taagan yahay dadka Sudan wuxuuna sheegay in rabshad walba oo ka dhan ah dibadbaxayaasha aan la aqbali karin.

Britain ayaa sidoo kale ku baaqday in xaaladda la dejiyo. Goor sii horerysayna, sarkaal ka tirsan waaxda aarimaha gudaha mareykanka ayaa sheegay in 20-30 qof la dilay tan iyo afgembigii isniintii ka dhacay dalkaas iyadoo qiyaastii 30 siyaasiyiin la xir xiray.

War uu soo saaray madaxweynaha mareykanka Joe Biden ayaa wuxuu ku baaqay in la soo celiyo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee shacabku hogaaminayay.

Raysal wasaarihii xilka laga tuuray, Abdalla Hamdok, ayaa weli xabsi guri ku jira, koox wasiiradiisii hore ka tirsan ayaa iyaguna sheegay in loo diiday inay booqdaan.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post