726 Views

degaanka Saax-qurun magaalada Gaalkacyo oo lagu laayay dad isku qoys ah

degaanka Saax-qurun magaalada Gaalkacyo oo  lagu laayay dad isku qoys ah
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Wararka laga helayo degaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah.

Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe degaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid.

Weerarka waxa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah.

Weerarkan oo lala xiriirinayo aanoa-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha degaanka Saax-qurun sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post