1065 Views

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo ka dalbaday Qoor Qoor in uu soo gudbiyo Liiska.

Guddiga doorashooyinka  Galmudug oo ka dalbaday Qoor Qoor in uu soo gudbiyo Liiska.
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa u diray qoraal Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” kaas oo ku aadan in uu guddiga u soo gudbiyo liiska xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka sare.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed  ayaa ku sixiixnaa warqadaani soo baxday seddex maalin kahor 29/7-aad/2021.

Sidookale qoraalka war-qadaani kasoo baxday guddiga doorashooyin heer dowlad goboleed Galmudug lagu sheegay sidaan:

“Mudane Madaxweyne, iyadoo lagu guda jiro wakhtigii doorashada mas’uuliyad na tahay in aan guddano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigaan, Hadaba waxaan rajeyneena oo ku kalsoonahay in codsigeena aqbali doontid MudaneMadaxweyne ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa doorashada ka dhacday Kismaayo ku dooratay afar Sanoter oo kuraasta Aqalka Sare ah, maanta waxaa sidookale deegaanada dowlad goboleedka ka dhaceyso diiwaan galinta Xubnaha u tartamayo Aqalka Sare iyo maamulka Galmudug oo isna hadda bilaabaya dhaq dhaqaaqyo la xiriira qabsoomida doorashada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post