531 Views

Ciidamo tababaran oo ku hubeysan gaadiid dagaal watayna dareys u gooni ah oo dhoolatus ku soo bandhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Ciidamo tababaran oo ku hubeysan gaadiid dagaal watayna dareys u gooni ah oo  dhoolatus ku soo bandhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Ciidamo tababaran oo ku hubeysan gaadiid dagaal, isla markaana wata dareys u gooni ah ayaa maanta dhoolatus ku soo bandhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo loogu magac daray (Cobra)  ayaa la sheegay iney ka madax banaan yihiin DF iyo dowlad goboleedka Galmudug,

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa waxaa sameystay shirkad lagu magacaabo Baraarug oo qaabilsan dhinaca amniga, waxaana la sheegay iney ka howlgeli doonaan degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.

Sidoo kale DF iyo Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin ciidan cusub ee lagu soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo, mana cadda sida ay isula howlgeli doonaan ciidamadan cusub iyo kuwa Galmudug ee hoos taga DF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post