954 Views

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad oo goor dhawayd ka qarxay degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad oo goor dhawayd ka qarxay  degmada Duddun ee Gobolka Sool.
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Wararka ka imaanaya saakay Gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo halkaas ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed uu saakay  mar kale  dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koofur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Sidoo kale Goob-joogayaal ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post