957 Views

Puntland oo loogu baaqay la shaqeynta Madaxda cusub ee Galmudug

Puntland oo loogu baaqay la shaqeynta Madaxda cusub ee Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabti , March 7 , 2020 —Cali Xaaji Warsame Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayaa ka hadlay Madaxda Ahlusunna ee isku aruursanaayo Magaalada Garowe, islamarkaana Puntland ay soo dhaweysay.

 

Waxaa uu sheegay in haddii ay dhacdo in Ahlusunna laga soo hubeeyo degaanada maamulka Puntland ay Qatar ku tahay Ammaanka iyo horumarinta maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

 

 

Wasiirkii hore ee Waxbarashada oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa sheegay in looga baahan yahay labada maamulba in ay ka wada shaqeeyaan daris wanaaga iyo nabadgalyada, isagoo xasuusiyey sida ay muhiimka u tahay.

 

Dr, Cali Xaaji ayaa sheegay in Puntland looga baahan yahay in ay wada shaqeyn la yeelato Galmudug, maadaama dadka saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay hadda isku raacsan yihiin maamulkooda, taasna ay muhiim tahay in la dhawro.

 

Hadalka Cali Xaaji ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii u dambeeyey ay soo baxayaan wararka sheegaya in ay Galmudug cambaareyn doonto ficilo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dhaawacaya midnimada Galmudug oo kasocda Garoowe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment