291 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Xamse oo Hambalyo u diray Ciidanka xoogga dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Xamse oo Hambalyo u diray Ciidanka xoogga dalka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Soomaaliya Sasan sheekh Maxamuud ayaa  ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka sannad guurada 63-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskooda , taas oo ku began 12-ka Bisha April.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan ayadoo sanadguuradii la xusay xili halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay ku dhibaateynayeen shacabka.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Al-Shabaab”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay Al-Shabaab uga dulqaadi lahaayeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post