1395 Views

Madaafiic kusoo dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Madaafiic kusoo dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019 Wararka Qaranimo Online  ay ka heleyso Degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah ay kusoo dhaceyn duhurnimiadii maanta gudaha degmadaasi, gaar ahaan aaga xeyn-daabka Xalane.

Dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in tiro ilaa shan madfac ay ku dhaceyn gudaha Wadajir gaar ahaan xaafad ku dhaw Xalane, wararka qaarna waxa ay sheegayaan in isla xirada Xalane oo si aad ah loo ilaaliyo ay ku dhaceyn qaar kamid ah shantaasi madfac.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada madaafiicdaasi lamana oga halka laga soo tuuray, balse sidaan oo kale madaafiic meelo kamid ah Muqdisho kusoo dhacay ayaa waxaa sheegtay Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goor dambe meelo kamid ah goobaha ay madaafiicdaasi kusoo dhaceyn waxa ayna ka wadaan howgallo lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaaro ka dhashay iyo halka laga soo tuuray.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment