1299 Views

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ku eedeeyay masuuliyadda dhacdadii caawa Gaalkacyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo  ku eedeeyay masuuliyadda dhacdadii caawa Gaalkacyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahna Mudane katirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay masuuliyadda dhacdadii caawa Gaalkacyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya kadib War-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray Gudoomiye Sanyare.

“Waxaan ka xumahay wixii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo,waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday falkaasi sidoo kale waxaan Caafimaad taam ah u rajaynayaa in alle u boogga dhayo Saraakiishii,Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay falkaasi.

Advertisement –

Waxaan rabaa inaan u cadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo u yimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo

Waxaa fariin halkan uga dirayaa dhamaan bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post