657 Views

Nin isku dayay in uu dilo Madaxweynaha Mali oo geeriyooday

Nin isku dayay in uu dilo Madaxweynaha Mali oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Dalka Maali ee dhaca dhaca Galbeedka Afrika waxaa ku geeriyooday Nin isku dayay todobaadkii hore in uu dilo Madaxweynaha KMG ah ee Dalkaas Assimi Goita kadib markii la dhigay isbitaal ay ku ilaalinayeen ciidamada gaarka u tababaran ee Madaxtooyada.
Ninkaan Magaciisa lama sheegin, balse sawirkiisa ayaa soo muuqday isaga oo garba-duub u xiran oo saaran mid kamid ah Gawaarida Ciidanka gaar ahaan nuuca Soomaalida ay u taqaan Cabdi Bile.
War kooban oo kasoo baxay Dowladda Mali ayaa lagu sheegay in Ninkaan xaaladdiisa Caafimaad ay sii liidaneysay maalinba maalinta ka dambeysa ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalkii lagu daweynayay.
Assimi Goita oo ah Madaxweynaha Sida KMG ah xilka u qabtay waxa uu ka dambeeyay labo Afgambi oo dhacay 2020 si awoodda looga tuuro Bah Ndaw oo uu u ahaa Madaxweyne ku xigeen balse uu damcay in uu isaga awoodda kala wareego.
Isku dayga Dilka ayaa dhacay Talaadadii Todobaadkii hore 20-kii July 2021 xili Madaxweynaha KMG ah uu ka qaybgalayay Salaadda Ciidul-Adxaa, wixii xiligaas ka dambeeyay eedeysanaya waxa uu ku jiray Gacanta ciidamada gaar ah ee ilaalada Madaxweynaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post