321 Views

Nin dilay xaaskiisa oo muuqaal toos ah ku jirtay oo isna la daldalay

Nin dilay xaaskiisa oo muuqaal toos ah ku jirtay oo isna la daldalay
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay dil , kaddib markii uu dab qabad siiyay xaaskiisa xilli ay si toos ah u muqaal u duubeysay.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Lamu ayaa ahayd shaqsi si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee Douyin, oo ah nooca Shiinaha ee TikTok.

Tang Lu oo ah ninka Lamu ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday maxkamadda gobolka Aba, oo ku taal koonfur-galbeed ee gobolka Sichuan halkaas oo tiro badan oo qowmiyadaha Tibet ah ay ku nool yihiin.

Bishii Juun 2020, Lamu waxa ay furtay Tang oo, maxkamaddu sheegtay, in uu ahaa nin aad u jir diili jiray.

Dilka arxan darada ah ee ninkan uu ugeystay xaaskiisi hore ayaa caro ka dhalisay guud ahaan dalka, waxaana ay dhalisay dood cusub oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post