453 Views

Xuska 1da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 30, 2022

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagayaa sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 62 sanadood.

Munaasabad ballaaran oo iminka ka socoto xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo laguna maamuusayo muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo dibllomaasiyiin lagu casuumay munaasabadda.

Kooxaha fanaaniinta ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigaya suugaan ka turjumeysa qiimaha ay maalinta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo taarikhda halgamayaashii dalka soo  maray.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo weyneeyo muhiimadda ay Ummadda u leedahay markii Gobollada Koonfur fureed ay xornimada ka qaateen gumeystirhii Talyaaniga iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Qaar ka md ah Gobollada iyo dalka dibadiisa ayaa caawa oo kale lagu qabtaa xaflado lagu weyneynayo 62 sano guuradiii ka soo wareegatay xornimadii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la weyneynayo xuska 1da Luulyo, isla markaana dowladda ay dhaqaalaha ugu talagashay xafladda la yareyn doono si loogu caawiyo dadka ay abaartu saameysay,

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post