963 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo  daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed oo lagu beerayo Deegaanada Puntland.

Daah-furka ololaha oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya waxa kasoo qayb galay qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro iyo wakiilo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale Karaash ayaa soo dhoweeyey Iskaashiga ololaha dhiraynta iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtu muhiim u tahay Deegaanka iyo nolosha bini’aadamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post