669 Views

Madaxweyne Deni oo Wasiir Goodax ku tilmaamay mid aan waxba kala socon waxbarashada dalka

Madaxweyne Deni oo Wasiir Goodax ku tilmaamay mid aan waxba kala socon waxbarashada dalka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 08 2020—Waxaa isoo gaaraya walaaca iyo tabashada dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee dhaawaan ay faafisay wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay Natiijadii dhawaan kasoo baxday Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimad ay kunool yihiin dadkii ugu tayadda wanaagsan dhanka macalimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo  leh hanaan waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in la sheego in uu iskuullo la og yahay baahiyaha ay qabaan oo gobolada ku yaalla in kaalimaha koowaad ay galeen.

Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay Wasiir Goodax mid aan waxba kala socon waxbarashada dalka loona baahan yahay in uusan niyad jabin waalidiinta Caruurtooda lacagta wax kusoo baray.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in markii horaba ay aheyd Sharci daro in imtixaan ay qaado Wasaaradda dhexe xilli ay jiraan maamul goboleedyo.

Waalidiinta, Aqoonyanada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Siyaasiyiin muddo dheer kasoo shaqenayay waxbarashada dalka ayaa horay u sheegay in humaag badan uu ku jiro hanaanka Natiijadda ay shaacisay Wasaaradda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post