1281 Views

Koonfur Galbeed oo iska fogeysay xariga Roobow

Koonfur Galbeed oo iska fogeysay xariga Roobow
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn isaga fogeeyay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ah ee maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aysan wax saameyn ah ku la heyn xariga Roobow.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Dhexe ay soo xirtay Roobow, islamarkaana wixii ka dhacay Roobow lagula xisaabtamaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qiratay xarigiisa.

Wasiirka xusay in Xaaladda Magaalada Baydhabo ay degan tahay, islamarkaana la xiray qaar ka mid ah dadkii sameeyay Banaanbaxyadda rabshaddaha wata.

Xariga Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo waa weyn oo sameyn ku yeeshay dadka kunool Magaalada Baydhabo, waxaana ku dhintay dad ka badan 15 qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment