1044 Views

Kulamo xasaasi ah oo ka bilaawday Magaalada Kismaayo

Kulamo xasaasi ah oo ka bilaawday Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Kulamadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kale ee tegay Magalada Kismaayo & Madaxda Jubbaland,waxaana inta badan looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo waxyaabaha ay ku diidan yihiin Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya,Madaxweynaha Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ayuu kulanka u dhaxeeyaa,kuwaas oo ka qeyb-galay Xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe.

 

Waxaa ay kualnka diirada ku saarayaan walaaca ay ka qabaan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka sida ay doonayaan inay u gala hadlaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha ku shirsan Magaalada Kismaayo la filayo in saacadaha soo socda ay kulankooda kasoo saaraan go’aano xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment