1170 Views

Ergo ka kala socota Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran oo mar kale ku kulmay Ciraaq

Ergo ka kala socota Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran oo  mar kale ku kulmay Ciraaq
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

 Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan.

Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiriirka kala goosteen 2016.

Wada-hadallada oo ay marti-gelienyso Ciraaq oo isku dayeysa inay noqoto dhex-dhexaadiyaha gobolka, ayaa waxaa la billaabay intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, oo bishii August uu beddelay Ebrahim Raisi.

Wada-hadallada ayaa horseeday “horumar dhab ah” oo ku saabsan amniga Gacanka, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh, 23-kii September.

Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo Ciraaqi ah, oo dhammaantood codsaday inaan la magacaabin.

“Sarkaal Iranian ah ayaa Baghdad kula kulmay sarkaal Sacuudi ah, kadib kulamadii ay horey u yeesheen labada dal,” waxaa sidaas yiri il-wareed la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ciraaq iyo il-wareed ku dhow dowladda ayaa xaqiijiyey kulanka, ayaga oo aan bixin faah-faahin.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz, oo dhowaan khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay inuu rajeynayo inay miro dhalaan wada-hadallada labada dhinac.

“Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman.

AFP VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post