846 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo  xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya, Maxamed Bamba M. Boba.

Kulanka oo ahaa booqasho sharafeed, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Agaasimuhu waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaliya Cabdisaciid Muuse Cali  oo bishii hore la magacaabay ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qadanaayay malmihii la soo dhafay Xubnaha Beesha caalamka iyo safaaradaha jooga Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post