1176 Views

Turkiga oo Xiray lamaane Israa’iili ah markii lagu eedeeyay inay basaasayeen qasriga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Turkiga oo Xiray lamaane Israa’iili ah markii lagu eedeeyay inay basaasayeen qasriga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan
____________________________________________________________________________

Isniin : November 14, 2021

Israa’iil ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u sii deyn lahayd lamaane Israa’iili ah oo ku xiran Turkiga, kaddib markii lagu eedeeyay inay basaasayeen qasriga madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee Istanbul.

Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa beenisay dowladda Israa’iil, waxayna arrintan horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo labada dhinac ka dhex aloosantay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay eedeymaha madaxda Turkiga ee ah in ay xireen laba basaas oo Israa’iili ah, wuxuuna xaqiijiyay in uu la xiriiray lamaanahani lagu kala magacaabo Natalie iyo Mordi Oknin.

Mr Bennett ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in uu la xiriiray qoysaska lamaanaha oo uu ku wargeliyay dadaalka lagu jiro in dib loogu soo celiyo Israa’iil .

Ka dib shirkii golaha wasiirada ee Axadii, Bennett wuxuu sheegay inuu u xaqiijiyay mas’uuliyiinta Israel in lammaanahan “aysan ka tirsanayn sirdoonka Israa’iil.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil ayaa xusay in lamaanaha la xiray ay darwal bas ka ahaayeen bartamaha Israa’iil.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda sare ee Israa’iil ay arrintan wax ka qabteen dhammaadkii toddobaadkii hore, iyadoo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayna sii wadi doonaan in si hagar la’aan ah uga shaqeeyaan xal u helidda arrintan sida ugu dhaqsaha badan.

Bishii hore, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in 15 qof la xiray, kuwaasoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil iyo inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

lamaanahan oo si lama filaan ah loo waayay

Lamaanahan oo da’doodu ay 40-sano jir tahay ayaa u dhoofay dalka Turkiga si ay ugu soo dabbaal-degaan dhalashada mid ka mid ah, waxaana lagu waday inay Isra’iil ku laabtaan Talaadadii la so dhaafay.

Balse si lama filaan ah ayaa loo waayeen meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey Channel 12 oo ah telefishin Israa’iil ka howlgala.

Warka ayaa intaa ku daraya in xaaska Natalie ay muuqaal ka soo duubtay guri ku yaala Istanbul , iyada oo ka dib-na WhatsApp-ka ugu dirtay xubno ka mid ah qoyskeeda kuna qortay, “Maxaa ka qurux badan gurigan .”

Wixii markaas ka dambeeyay waa la waayay Natalie isalamarkana gabadh kale oo walaasheed ah ayaa ku wargalisay saraakisha Israa’iil.

Wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay xireen lamaanahan u dhashay Israa’iil Jimcihii, iyagoo lagu eedeeyay inay basaasayeen ayna sawir ka qaadeen guriga Erdogan, iyaga oo dusha ka saarnaa daarta Çamlıca Tower, oo ah daar dheer oo Istanbul ku taalla.

Anadolu ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaha uu ku wargaliyay booliska kadib markii uu arkay lamaanaha oo sawiro ka qaadanaya qasriga Erdogan iyaga oo ku sugan e maqaayada Burj.

Waxa ay intaa ku dartay in muwaadin Turki ah oo la socday lamaanaha la xiray sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo siyaasadeed iyo mid ciidan.

SaraakiishaTurkiga faahfaahin kama aysan bixin muuqaalka laga duubay guriga, iyo inuu yahay daarta weyn ee xilliga xagaaga uu fasaxa ku qaato Erdogan ee ku taalla Istanbul, iyo in uu yahay guri kale oo gaar ah oo aan cidna ka warqabin.

Xiisad ka dhalatay xarigga lamaanahan

Jimcihii, maxkamad ku taal Turkiga ayaa go’aamisay in la kordhiyo muddada xabsiga lagu sii haynayo Mordi iyo xaaskiisa laguna daro 20 maalmood , inta laga soo afjarayo baaritaannada.

Go’aankan ayay warbaahinta Israa’iil ku tilmaamtay mid la yaab leh oo laga yaabo in uu horseedo muran siyaasadeed oo dhaxeeya labada dhinac.

Saraakiisha Israa’iil ayaa imika laga doonayaa inay bixiyaan caddaymo muujinaya in lamaanahani aanay u shaqaynin sirdoonka Israa’iil.

Sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post, masuuliyiinta Israa’iil waxay filayeen in si degdeg ah loo sii dayn doono, ayna maxkamaddu amari doonto in si degdeg ah looga musaafuriyo Turkiga , balse taasi ma dhicin.

Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa maxkamada ka hor sheegay in lamaanahan lagu tuhmayo basaasnimo, waxa ayna sheegeen in aysan qasriga Erdogan oo kali ah aysan duubin balse sidoo kale ay duubeen baraha kontorool ee u dhow iyo kaamerooyinka ammaanka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post