2103 Views

WHO: ‘ Wasaqowga Hawada 7 Milyan oo qof ayaa u dhinta sanad kasta

WHO: ‘ Wasaqowga Hawada 7 Milyan oo qof ayaa u dhinta sanad kasta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Hay’adda Qaramada u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa warbixin sanadeed ay soo saartay ku sheegtay in Wasaqowga Hawada uu dhibaato badan ku hayo Caalamka oo dhan.

Warbixin sanadeedka Hay’adda waxaa lagu sheegay in daafaha Caalamka oo dhan sanadkiiba ay 7milyan oo qof ay ugu dhintaan Hawada wasaqeysan.

Madaxa Hay’adda WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus,ayaa sheegay in hawada wasaqeysan ay caalamka dhibaato badan ku heyso,waxaa uu intaas ku daray in waddamada faqriga ku jira ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameynta ku yeelato.

90% dadkaas dhintay waxaa ay ku noolyihiin Qaaradaha Afrika iyo Aasiya,waana dadka uu Dakhligooda aadka u hooseeyo.

Maria Neira,,oo ah madaxa qeybta Caafimaadka guud iyo degaanka ee WHO ayaa sheegtay in arrintan ay tahay dhibaato gudaha ah oo ay dadka sameeyeen islamarkaana ay qatar weyn ku heyso caalamka.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in 40% Dadka adduunyada ku nool aysan heysan Agabka aan qiica sababin ee cuntada lagu karsado ama xitaa agab nadiif ah.

Tedros, ayaa yiri ” lama aqbali karo in maalin kasta 3 Milyan oo qof ay Guryahooda ku adeegsanayaan Gaas qiic badan dhaliya ama agab kale oo cunto karinta loo adeegsado,kaas oo neef qabatin ku sameynaya nolosha Haweenka iyo Carruurta”.

Qiica Hawada ee ay sameeyaan Warshadaha iyo Diyaaradaha ayaa lagu sheegay in saameynta ugu badan ay ka dhalato kaas oo sababa dhimashada 4.2 Milyan oo qof sanadkiiba.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegtay in 4,300  Caasimado iyo magaalooyin ah oo ku kala yaalla  108 dal sahanka laga sameeyay uu muujinayo in qiica hawada sare uu yahay midka waxyeellada ugu badan geysta.

8 ka mid ah 47 dal oo ku yaalla Afrika sahankana laga sameeyay ayaa baahiyay ama gudbiyay xogta tayada hawadooda halka inta kale aysan ku guuleysan arrintaas.

181 Magaalo oo ku yaalla Hindiya aaya bixiyay xogta tayada Hawadooda halka dalka China ay 9 magaalo kaliya ka bixiyeen.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment