774 Views

Qasaare ka dhashay Weerarkii qaraxa ee Xerada Gen Dhego badan saakay dhacay

Qasaare ka dhashay Weerarkii qaraxa  ee Xerada Gen Dhego badan saakay dhacay
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku dhex qarxiyay koox dhalinayro ah oo dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sida uu BBC-da u sheegay qof ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa qofka isqarxiyay uu dhex galay tobaneeyo dhalinyaro ah, oo dooneysay iney ku biiraan ururka sagaalaad ee ciidanka kumaandooska Gorgor ee Turkidu tababaraan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir.

Sidoo kale qofkaasi waxa uu BBC-da u sheegay in goobta laga qaaday tobaneeyo qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, iyadoo tiro aan la sheegin oo meydad ah xerada dibadeedda lagu arkay.

Illaa hadda ma jiro wax wara oo kasoo baxey hay’adaha ammaanka ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Gen. Dhego badan.

Sidaas oo kale ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waloow weerarrada noocan ah badanaaba ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post