2241 Views

Mas’uuliyiin ka tirsan taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed go gaaray Jabuuti (Sawiro)

Mas’uuliyiin ka tirsan taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed go gaaray Jabuuti (Sawiro)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Wafdi uu hoggaaminayey Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D, islamarkaana uu qeyb ka yahay Gen Cabdullaahi Xasan Bariise, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale, ayaa maanta gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdigaan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dawladda Jabuuti iyo sidoo kale Saraakiil ciidan oo ka socday Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo tababar dalkaan ku siiya Saraakiil Soomaali ah.

Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maalinta Khamiista ah Tababar u soo xiri doono Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo tababar Jabuuti ku qaatay, waxaana la filayaa wafigaan inta ay ku sugan yihiin dalkaan inay la kulmaan Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment