789 Views

Qaar kamid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Qaar kamid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 11 |  2020—Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla Caasimadda, iyaga u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Isgoysyyada ay ciidamada xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgosyyada, Banaadir, Soobe, Taleex wadada hormarta Dekadda weyn ee Magaalada muqdisho & Isgoysyo kale.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababaha loo xiray Isgoysyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble uu Maanta booqanayo Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ku taalla agagaarka Isgoyska Soobe.

Qeybo badan oo kamid ah wadada Maka-Almukarama ayaa waxaa lagu arkayaaa dadweyne si raxan raxan ah u socda oo wada lugeynaya Maadaama gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay loo diiday inay isticmaalaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post