393 Views

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay oo booqatay dalal oo Afrika ku yaalla, iyadoo uga digtay inay Ruushka waxba ka iibsadan

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay oo booqatay dalal  oo Afrika ku yaalla,  iyadoo uga digtay inay  Ruushka waxba ka iibsadan
____________________________________________________________________________

 Sabti: AUGUST 6, 2022

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa booqatay dhowr dal oo Afrika ku yaalla, iyadoo uga digtay dalalka Afrika inaysan Ruushka waxba ka iibsan marka laga reebo badar iyo bacrimiyeyaal, iyadoo ku hanjabtay inay cunaqabateyn la kulmi doonaan haddii ay sidaa sameeyaan.

Waxay sheegtay in Ruushku uu qiimaha sare ee raashiinka ee adduunka u aaneeyay cunaqabateynta la saaray, balse uu Ruushku xor u yahay dhoofinta waxyaabaha beeraha loo isticmaalo isla markaana ay dadaka kale ka iibsan karaan.

Waxay intaas ku dartay in waxyaabaha cunaqabateynta saaran ee aan Ruushka laga iibsan karin uu ka mid yahay shidaalka.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa door bidaya inay dhexdhexaad ka ahaadaan dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Sababta ayaa lagu tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo kuwa Galbeed oo intooda badan soo gumeystay Afrika, iyo isla mar ahaantaana hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah oo Ruushka wax ku soo bartay oo aan dooneyn inay ku lug yeeshaan dagaalka dalkaas ka dhanka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post