591 Views

Meydad laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika

Meydad laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

 Axad: June 26, 2022

Ugu yaraan 17 qof ayaa meydkooda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika, sida ay ku baahisay warbaahinta gudaha.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa meydadka laga helay xarunta Enyobeni Tavern halka dhowr qof oo kalena lagu arkay goobta iyagoo dhaawac ah.

Afhayeen u hadlay booliska oo wareysi siinayay kanaalka Newzroom Africa television ayaa sheegay in u socdo baaritaanka lagu ogaanayo waxa sababa dhacdadan.

Waxaana goobta gaaray kooxaha gurmada degdega ah oo u tiro badan.

Taliyaha booliska gobolka Eastern Cape oo u warramayay warbaahinta SABC ayaa sheegay in uu jiro tuhun ah in isbuurasho ay ka dhacday gudaha maqaaxida lagu caweeyo.

Sidoo kale BBC-da waxaa uu suurtogeli weysay inay xaqiijiso dhacdadan maadama ay wararka isa soo tarayaan.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post