1455 Views

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada oo soo saartay digniin ku aadean Musuq maasuqa

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada oo soo saartay digniin ku aadean Musuq maasuqa
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in adeegyadeeda lagu qaato wax isdaba-marin iyo musuq-maasuq, ayada oo sheegtay in cid kasta oo qeyb ka noqota kiis musuq-maasuq la marsiin doono hanaanka sharciga.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay xaq u leeyihiin helidda adeeg hufan, islamarkaana ka fog eex iyo wax isdaba-marin (Musuq-maasuq).

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waa Hay’ad Federaal ah waxayna bixisaa Adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Ka qeyb-qaadashada kiis la xiriira wax isdabamarin, ha ahaado Sargaal ka howlgala Hay’adda ama Muwaadin iyo Ajnibi loo adeegayay waxaa la marsiinayaa hannaanka Sharciga.”

Waxay ugu baaqday Muwaadiniinta iyo Ajaanibta baahida u qaba adeegga Hay’adda in looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si ay qeyb uga qaatan hufnaanta shaqada.

Sidoo kale waxay ka dalbatay Muwaadiniinta iyo Ajaanibta dalbanaya adeegyada Hay’adda haddii ay la kulmaan eex, musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed ay isla markaaba kusoo wargeliyaan xafiiska cabashada ee hay’adda.

 “Waxaa looga baahan yahay inay ku soo wargeliyaan Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan ama in sanduuqa cabashada ee yaalla xarumaha Hey’adda ay ku ridaan cabashadooda,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.

By Guuleed Muuse

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post