1683 Views

Masar oo ku faantay Doorka Nabad Ilaalinta Ciidankeeda ay ka geysteen Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Masar oo ku faantay Doorka Nabad Ilaalinta Ciidankeeda ay ka geysteen Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Kaalin muhiim ah oo waxqabad muuqda ka dhalatay ka qaadatay Nabad ilaalinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo ay Ciidamadeeda u dirtay.

Wargeyska Madaxa Banaan ee Todobaadlaha ah ee kasoo Baxa Magaalada Qaahira ee El Fagr (Alfajar) ayaa daabacay Xog uruurin ay ka sameeyeen Ciidamada Masaarida iyo habka ay ugu howlgalaan Nabad ilaalinta.

Masar ayaa sheegtay in Dalalka Saxaha iyo kuwa Xeebta ee Qaaradda Afrika ay cagta dhigeen Ciidamadooda iyaga oo wata Koofida Buluugta ah ee ay ku howlgalaan Ciidamada Qaramada Midoobe.

Xukuumadda Qaahira ayaa sheegtay in aan Marnba istaagin Dadaaladooda Nabad Ilaalinta, illaa inta ay isbadal ugu keeneen Dalalkii ay tageen.

Wadamada ay ka howlgaleen oo gaaraya 14-dal waxaa kamid ah:- Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (Central Africa), Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraadiga (The Democratic Republic of the Congo) Sudan oo ay ka tageen Gobolka Daarfuur, Somalia, Jaziiradda Comoros, Ivory Coast, Angola, Mozambique, Liberia, Burundi, Rwanda iyo Dalka Bosnia and Herzegovina oo ay ka tageen Caasimadda Sarajevo.

Masar ayaa intaa ku dartay in Ciidamadeeda ay yihiin Naf hurayaal Si wanaagsan ugu soo baxay Axdiga Qaramada Midoobe ee Ciidanka Nabad ilaalinta.

Tirada Ciidamada ay dirtay waxa ay ku sheegtay in ay gaarayaan 3100 Askari oo isugu jiray Militari iyo Booliis, kuwaas oo Tababar wanaagsan qaba.

Xuduudaha Dalalka ay Xasaradaha ka jiraan ayay sheegeen in Ciidamadooda ka talaabayeen si ay u badbaadiyaan Shacabka kunool Dalalka dhibaatooyinka martigeliyay..

Boutros Bourtos Ghali oo ahaa Siyaasi Reer Masar iyo Diblumaasi ayaa noqday Xoghihii Guud ee Qaramada Midoobe, isaga oo Xafiiska hayay January 1992-dii illaa December 1996-dii.

Waana tan loo arko in ay u suurta gelisay Masaarida in ay gaaraan Kaalinta ay maanta ku faanayaan in Ciidamadooda ay ka gaareen Howlgalka Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment