852 Views

Soomaali lagu xir xirey dalka Koonfur Afrika

Soomaali lagu xir xirey dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay xireen dada ay ku jiraan Soomaali,kuwaas oo fulin waayay Amar kasoo baxay Madaxweynaha dalkaas ee ku saabsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

 

Howlgal ay Ciidamada ka sameeyeen Xaafada Bellville ee Magaalada Cape Town ayaa waxaa ay ku xir xireen tiro Ganacsato isugu jirta Soomaali iyo itoobiyaan kuwaas oo fulin waayay amarkii ahaa in xaalad badnow ah la geliyey wadanka Koonfur Afrika.

 

 

 

Sawiro la soo geliyey Baraha Bulshada ayaa la arkayey ciidamada Koonfur Afrika oo xiraya goobaha Ganacsiga oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah,kuwaas oo kala ahaa Soomaai iyo Itoobiyaan.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka la tacaaalaya Cudurka COVID 19 ,waxaana ilaa iyo hadda u dhintey laba ruux halka Cuudrkaas laga helay dad gaaraya ilaa 1280 Ruux.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment