5157 Views

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga oo maanta xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga oo maanta xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 30, 2018 – Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga  Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabadii Munaasabada ka Hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee Wasaarada difaaca dalka in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmadey.

Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-1 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-2 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-3 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-4 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-5 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-6 Wasiirka-gaashandhiga-lawaeegay-xilka-7

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment