1332 Views

Madaxweyne Deni Oo Shaaciyay Qorshaha Al-Shabaab Iyo Daacish Looga Saarayo Deegaanada Puntland

Madaxweyne Deni Oo Shaaciyay Qorshaha Al-Shabaab Iyo Daacish Looga Saarayo Deegaanada Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 17, 2019 Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Siyaasada amniga iyo arrimo kale oo dhowr.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in uu xooga saari doono inta uu xilka haayo arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland,

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in dib u habeyn lagu sameeyn doono laamaha amniga dowlad Goboleedka Puntland,isla markaana ay heli doonaan Xuquuqa Mushaaraadkood ay leeyihiin.

“xaqsiinta Ciidanka ayaan mudnaan gaar ah  siin doonaa qof kasto oo Ciidan wuu heli doonaa mushaar joogto ah,guno howleedkeedkiisa shaqo daawooyin ciidan iyo sidii loo ka faalo qaadi lahaa agoobta Ciidanka Puntland ayuu yiri Deni”

Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay in ay la dagaa adeg la geli doonaan Al-shabaab iyo Daacish,kuwaasi oo uu xusay in laga saari doono Buuraha ay Gobolka Bari kaga sugan yihiin .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment