834 Views

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha , Saraakiil Ciidan.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa laga sugayaa in uu tago magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug si uu uga qeyb-galo Shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleeyda,waxaana la filayay inay shalay tagaan, isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland balse safarkooda uu dib ugu dhacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post