1656 Views

Maraykanka oo xoojinaya xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya

Maraykanka oo xoojinaya  xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka  diiblamaasi,isla markaana ay dardargalineyso howlaha safaaradeed ee ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka  Heather Nauert ayaa tallaabadasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

Warkaan oo ka soo baxay  waaxda Arrimaha Dbadda  ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay ka dhigan tahay sida Mareykanka uu u doonayo xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Mareykanku uu dib u soo celinaayo isla markaana uu joogteyn doono cilaaqaadkii dibolomaasi .

Mareykanka ayaa sannadkii 2013-kii si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya, balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tallaabadaan ayaa noqoneysa markii koowaad muddo ku dhow sodon sano oo safaaradda Mareykanka ay ka howlgasho Muqdisho, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment