1020 Views

Tirada Ciiddanka Mareykanka Ee Hawlgalka Ka Wada Somalia Oo La Shaaciyey Inaan La Dhimi Doonin

Tirada Ciiddanka Mareykanka Ee Hawlgalka Ka Wada Somalia Oo La Shaaciyey Inaan La Dhimi Doonin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 9, 2019 – Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa sheegay in Qorshaha lagu jarayo Milliteriga Maraykanka aysan ku jirin Ciiddanka Hawlgalladda ka wada dalalka Somalia iyo Liibiya, o oay Maraykanka ka fuliyaan duqeymo Diyaaradeed.

Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu hadalkaasi ka sheegay Warbixin uu maalintii Khamiista ahayd siiyey Xildhibaanadda Kongareeska Maraykanka, wuxuuna xusay in 300 Askari laga jari doono Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika marka la gaaro bisha June ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inay 6,000 oo Askar Maraykan ah haatan ku sugan yihiin Qaaradda Afrika, iyadoo in ka badan 4,000 ka mid ah ay joogaan Saldhigga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti.

 

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa Warbixintiisa ku sugay inay 500 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo uu sheegay inay fuliyaan Hawldalladda Duqeymaha ee ay la beegsadaan fariisimadda Dagaalamayaasha Al-shabaab, waa sida u uhadalka u yiri.

 

Dhinaca kale, AFRICOM waxay horey u sheegtay inay sannadkan  qaadeen 24 duqeyn oo  ay ku dileeen 236 Dagaalamayaal Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment