384 Views

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta lagu qabto doorashada kuraasta taala Beledweyne

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta lagu qabto doorashada kuraasta taala Beledweyne
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in saaka lagu arkay ciidamo gadoodsan kuwaas oo xirtay halka laga galo Xerada Lamagalaay taas oo ah halka lagu qabto doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee BFS.

Ujeedka Ciidamadaan ay gadoodka halkaas ugu sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay diidan yihiin in shaqsi gaar ah loo xiro kursiga HOP#059 kaas oo ay beeshooda leedahay.

Sidoo kale Xiisadaan ayaa timid, kadib markii isfaham waa uu soo kale dhexgalay markii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Odayaasha leh kursiga Hop#059, kaas oo la xiriira sida loo maamulayo doorashada kursiga HOP#059.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaal xal looga gaarayo xiisada ka taagan beledweyne, kuwaas ay wadaan Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka halkaa ku nool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post