1287 Views

Madaxweynaha Puntland oo goordhow gaarey Boosaaso oo xalay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada

Madaxweynaha Puntland oo goordhow gaarey Boosaaso oo  xalay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Wararka ka imaanyo Boosaaso oo Xalay dagaalo ka dhaceen ayaa sheegaya in goor dhawayd uu gaaray halkaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Safarka madaxweyne Deni ayaa la xiriira u kuura gelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, sida ay shaacisay madaxtooyadda Puntand.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari, kuwaasi oo la xiriira xaaladda amniga ee gobolka gaar ahaa magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xalay koox ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billaawday qaraxyo ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada.

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyooday, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana ku jira askar ka tirsan ciidanka Puntland.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post