2079 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Musharaxiin Koofur Galbeed uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Musharaxiin Koofur Galbeed uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 13, 2018 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay illaa todobo musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa looga hadlay is bedel ka dhaca Koofur Galbeed iyo doorashada soo socota ee Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhici doonta bisha November ee soo socota

Ilo ku dhow dhow Kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu u soo jeediyay Musharaxiinta inay la yimaadaan tanaasul, isla markaana ay hal Musharax ku midoobaan.

Xubnaha Musharaxiinta ee kulankan ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, Wasiir hore Yuusuf Macalin Amiin Baadiyow oo abti u ah Shariif Xasan.

Sidoo kale Musharaxiinta waxaa ka mid Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo aan weli si rasmi ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa, balse siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda la wadaagay damaciisa ku wajahan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharaxiintan ka horjeeda Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee soo socota ay u ambabaxaan magaalada Baydhabo, si ay u bilaabaan ololahooda doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa sida muuqata wadata musharax gaar ah oo ku guuleysta xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, si ay meesha ugu saarto in dib mar kale u soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 10-kii sano ee u dambeeyay saameyn ku lahaa siyaasadda dalka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment