972 Views

Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Libiya oo sheegay muhaajiriinta xabsiyada dalkaasi ku jira

Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Libiya oo  sheegay muhaajiriinta xabsiyada dalkaasi ku jira
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Libiya ayaa sheegay muhaajiriinta xabsiyada dalkaasi ku jira inay ku sugan yihiin xaalado aad u adag kaddib marki ay ciidamada ammaanka dowladda Libiya ay xarig wadareed kula kaceen.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudaha lahayn waxay sheegtay qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ee xabsiyada ku jira iney maalmo wax cunin.

Maalmihi la soo dhaafay oo keli ah magaalada Tripoli waxaa lagu xiray ugu yaraan muhaajiriin gaaraya 5,000.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in dil, jirdil iyo xadgudub galmaba dadkaasi muhaajiriinta loo geysto.

Laamaha dowliga ee Liibiya dhankooda waxay ku doodayaan howlgalkan in lagu beegsanayey muhaajiriinta sharci darrada ah iyo dadka maandooriyaha ka ganacsada.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post