963 Views

Jarmalka oo shaaciyay in Soomaaaligii Toorayda dad ku dilay wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish.

Jarmalka oo  shaaciyay in Soomaaaligii Toorayda dad ku dilay  wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish.
____________________________________________________________________________

.Arbaco: july 21 2021

 Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka.

Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in uusan Ninkaasi wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aysan jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale.

Boliska waxaa kaloo baareen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xiriir uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale.

Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baarayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post