378 Views

Militeriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 54 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Militeriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 54 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 54 ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab kadib markii ay howlgallo ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Buula-burde iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in howlgal xooggan ay iska kaashanayeen ciidamada militeriga iyo dadka deegaanka ay ka sameeyeen deegaanka Yasooman ee dhaca duleedka degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku dileen 45 kamid ah Al Shabaab.

Halka ciidanka xoogga ay 9 ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Warmaxaan oo dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ee Sonna.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Hirshabeelle ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post