630 Views

Dowlada Masar oo qiratay in Ciidamo badan laga laayey.

Dowlada Masar oo qiratay in Ciidamo badan laga laayey.
____________________________________________________________________________

Axad: May 8, 2022

Af-hayeenka milatariga Masar ayaa sheegay in weerar lagu qaaday unug ciidan ah oo ilaalinaysay goob biyaha lagu sifeeyo oo ku taal bariga gacanka Suways ay ku dhinteen sarkaal iyo toban askari oo ka tirsan ciidankii goobtaa joogay shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Qariib Cabdelxaafid wuxuu qoraal uu Twitter-ka ku faahiyey ku sheegay in hase yeeshee ay ciidamadaasi iska caabiyeen “weerarkaa argagixiso” ee lagu qaaday goobtaas oo ay ciidanku iska difaaceen “koox takfiiriyiin ah”.

Waxaanu qoraalkaasi intaa ku daray in ay weli ciidanku caydhsanayaan kuwaa aragagixisada ah oo haantan ay ku hareereeyeen goob ku taal saxaraha Siinaa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in uu socon doono dedaalka ay ciidamada qalabka sida ee Masar kaga takhalusayaan argagaxisada ee ay xidida ugu siibayaan.

Ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee joga Siinaa ayaa heegan la geliyey si loo ilaaliyo goobaha muhiimka ah, maadaama oo weerarkan lagu qaaday goob biyaha lagu sifeeyo ee aanay ahayn xarun milatari ama boolis sidii hore loogu yaqaanay weerarrada noocaas ah in lagu beegsado sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ahi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post